Sunday, July 13, 2025

Dowladda Kenya oo Garoonka Jomo Kenyatta ku qabatay Lacag uu watay Sarkaal ku dhow Madaxweyne Farmajo

Sida lagu qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi dowladda Kenya ayaa habeenkii Isniinta kuu qabatay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi Shandad ay ku jirtay lacag gaaraysa 1.7 Milyan oo Doollar (Sh170 milyan), lacagtaas oo laga diray Somalia. 

Warbixinta ayaa sheegeysa in Lacagta uu watay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, iyadoo lacagtaasi fara badan la ariyay dalka Itoobiya shaqsiga, waxaana watay Sarkaal inuu xiriir la leeyahay Qoyska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo aan la magacaabin sarkaalka.

Wararka qaar ayaa sheegay in sarkaalka lacagta lagu qabtay uu yahay C/llaahi Aadan Kulane oo mar ku-sime ka noqday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Somalia ee NISA, kana tirsan madaxda Hay’adaasi, kaasoo ay qaraabo yihiin madaxweyne Farmaajo, waxaana lacagtaasi la wareegay saraakiisha socdaalka dalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan lacagtaasi, cidda lahayd iyo halka loo waday, waxayna arrintan timid iyadoo xiriirka dowladaha Kenya iyo Somalia uu meel hoose marayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON