Dowladda Kenya ayaa dhisme cusub oo safaaradeed ka furatay magaalada Muqdisho, iyadoo xiriika labada dal uu galay marxalad cusub.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo oo uu wehliyo dhiggeeda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa shalay xariga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Kenya oo laga furay magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa timid socdaalkii ay Raychelle Omamo ku tagtay Muqdisho shalay, kaasoo xiisad ka dhex dhaliyey Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraaha Maxamed Xuseen Rooble.
Kenya ayaa hadda si dhow ula shaqeyneysa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana ay rajo weyn ka qabtaa inuu dib u soo laabto xiriirkii tooska ahaa, siiba Ganacsiga Qaadka oo Farmaajo ka joojiyey Kenya, una xayiray dalka Itoobiya.
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo heerar kala soo maray, ayna hareysay xiisad ayaa gaaray heerkii ugu xumaa markii ay labada dal midka kan kale xiriirka u jaray, laakiin waxaa muuqata inuu hadda dib uso laabanayo.




