Friday, June 27, 2025

Dowladda Mareykanka oo Garoonka Balidoogle ka dhigatay Saldhig weyn oo Milateri [Warbixin Xasaasi ah]

Warbixin laga qoray joogitaanka Milateriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in saldhigga Balidoogle ee Gobolka Sh/hoose oo hore u ahaa saldhig ay adeegsadaan ciidamada Cirka Somalia uu noqday saldhig weyn oo Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya.

Barta Vice News ayaa qortay in dowladda Mareykanka ay si weyn u ballaarisay Saldhigga ay ku leedahay Ballidoogle oo markii ahaa goob ciidamada Soomaalida lagu tababarro, laakiin hadda uu yeeshay muuqaal saldhig milateri oo rasmi ah.

Saldhigga Balidoogle oo ay maalgeliyeen wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga qeybteeda Afrika ee AFRICOM ayaa si weyn loo qalabeeyay iyadoo hadda loo diyaariyay 800 oo Sariirood, oo 200 oo ka mida  la dhameystiray, taasoo muujineysa in ciidamada Mareykanka ay halkaas deganaan doonaan.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomalaiya oo markii hore ahaa 50 askari ayaa hadda ka badan 500 askari sida uu qirtay Petagon-ka, waxayna tani tusaale u tahay sida joogitaanka milateri ee Mareykanku u sii kordhayo.

Saldhigga Mareykanka ee Ballidoogle ayaa noqon doona Saldhigga Saddexaad ee ugu weyn saldhigyada Mareykanku ku leeyahay Qaaradda Afrika, waxaana shaqadiisu tahay dagaalka lagu jiro waxa loogu yeeray argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON