Monday, July 28, 2025

Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay inay joojisay kaalmadii Ciidamada Milateriga Somalia

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Mareykanka uu hakinayo gargaarki uu siin jiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay go,ankan qaadatay kadib marki ay saraakiisha milatariga Soomaaliya marar badan ku guuldarreysteen isla xisaabtanka gargaarka lagu taakuleeyo ciidanka, sida cuntada, shidaalka iyo hubka.

Waxa kale oo uu Mareykanku sheegay in hakintani ay qeyb ka tahay sidii loo xaqiijin lahaa in kaalmada la siin jiray ciidanka Soomaaliya loo isticmaalay sidi loogu tala galay.

Dokuminti ay faafisay wakaalada wararka Reuters ayaa lagu sheegaya in hogaanka milatariga Soomaaliya uu ku guuldareystay inuu si sax ah u bixiyo cuntada, qalabka iyo mushaarka ciidamada, xilli dowlada Mareykanka ay ku taageerto ciidamada Soomaaliya boqollaal milyan oo doolar.

Dowladda Mareykanka oo joojisay Saadkii ay siin jirtay Ciidamada Milateriga Soomaaliya [Warbixin Xasaasi ah]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON