Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogay Hay’adda Farsamada Difaaca Turkiga iyo mas’uuliyiinta Hay’adaasi, taasoo ay ugu wacan tahay Gantaalaha Difaaca Cirka S400 ee Turkiga ka iibsaday Ruushka.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay goor dhoweyd xayiraadda lagu soo rogay Guddoomiyaha Hay’adda Farsamada Difaaca Turkiga (SSB) Ismail Demir iyo shaqaalaha hay’adda oo la sheegay inay si toos ah ugu lug lahayd iibsiga Gantaalaha casriga ah S400 oo Ruushka farsameeyo.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shaaciyey xayiraadda Mareykanka kusoo rogay Turkiga oo ku wajahan Hay’adda Farsmada Difaaca ee Turkiga, madaxdeeda iyo shaqaalaha Hay’addaasi, waxaaa laga mamnuucay inay wax xiriir ah la sameyso Mareykanka, madaxdeeda tagaan dalkaasi iyo xayiraado kale.
Hay’adda Farsamada Difaaca ee Turkiga ayaa si toos ah u hoos tagta Madaxweynaha Turkiga. Waxaana in muddo xayiraadda Mareykanka hortaagnaa Madaxeynaha xilka kasii degaya ee Donald Trump; balse waxay qasab noqotay markii ay Koongareeska Mareykanka ansxiyeen qaraar ku waajibinaya in cunaqabteyntan la saaro Turkiga.

Mareykanka ayaa ka careysan in Turkiga oo NATO ka mida ay iibsato Gantaalaha Ruushka ee casriga ah, kuwaasoo awood u leh inay ogaadaan warbixinta iyo sirta diyaaradaha dul maraya, taasoo halis amnigeeda, waxayna ka dalbatay inuu Turkigu ka baxo heshiiskaasi.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa ku gacan seyrtay xayiraadda uu kusoo rogay Mareykanka, waxayna si cad u sheegay inaysan gorgortan ka galeynin arrimaha Amnigeeda Qaran, ayna jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanka waqtiga ku haboon.