Dowladda Qatar ayaa baaq kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, iyadoo welwel ka muujisay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada dowladda Qatar ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay xaaladihii ugu danbeeyay ee kasoo cusboonaaday magaalada Muqdisho labadii maalmood ee ugu danbeysay, waxayna dhinacyada Soomaalida ugu baaqday degaan iyo is xakameeyaan.
Qatar waxay bayaanka ay soo saartay ku adkeysay madaxda Soomaalida in xal loo helo khilaafka siyaasadeed ee jira wadahadal nabadeed oo lagu gaari karo nabad iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed ee nabadgelyo iyo horumar.
Iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho waxaa baaqyo kasoo saaray dalalka Imaraadka, Sacuudiga, Masar, Jaamacadda Carabta, Golaha Khaliijka.
