Dowladda Qatar ayaa saraakiil milateri u soo dirtay magaalada Muqdisho iyagoo kulamo la yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Taliska ciidamada Milateriga dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ka socoda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayey General Maxamuud Al Qasaal oo ka tirsan Taliska Sare ee Milatariga Dalka Qatar, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
Taliye Indha-qarshe ayaa sheegay in kulanka saraakiisha ka socotay dalka Qatar looga hadlayay sidii wadashaqeyn iyo iskaashi u dhex mari lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dalka Qatar, iyadoo Gen. Maxamuud Al Qasaal uu balan qaaday inay dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageereyso dhismaha iyo tababarrada Ciidamada Qalabka sida.
Qatar ayaa hore ugu balanqaaday inay buuxin doonto booskii ay banneysay Imaaraada Carabta oo taageero milateri iyo mushaar siin jiray qeybo ka mida ciidamada xoogga dalka.