Tuesday, April 23, 2024

AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal kaftan ku weerarray Kooxda Qabyo & Mooshinkii laga keenay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaab riwaayad ah u jilay kaftan u usheegay inuu dhex maray isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo ku saabsan Mooshinkii isaga laga keenay.

Khudbad uu ka jeediyey xiritaankii kalfadhiga afraad ee Baarlamaanka Federaalka oo xalay ka dhacday Madxatooyada ayuu ku soo xiray kaftan qoraal ahaan loogu diyaariyey, wuxuuna si weerar afka ah ku qaaday  Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay  oo uu sheegay inay ahaayeen kooxdii Qabyo ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh taageersan.

Madaxweyne Farmaajo oo dad badan ay ku tilmaamaan inuu yahay mas’uul sheeg xun oo dadka ka horjeeda aan u dulqaadan karin aya hadalladan ka yiri xafladii xalay:

Ad
  • Waxaa dhahay Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin..?
  •  Wuxuu igu yiri waa i hor-yaal;aa aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu kala rogay, wuxuu i yiri nambrkaas waaye,
  • Wwaxaa iri yaa ka dambeeya?
  • Wuxuu igu yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo,
  • Ma Qabyada isla ogeyn, Qabyo waxaa ku ogeyn wax walba inay qabyo uga tagaan, bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay?,
  • Dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018,
  • Waxaa ku iri see ay isku waafaqeysa?
  • Wuxuu yiri, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdi,
  • Waxaa ku yiri khalad kale maku jiraa?
  • Wuxuu yiri: saxiixa waxaa ka maqan taariikhda,
  • Waxaa ku iri sidee taariikhda qofka ku iloobay?
  • Waxaa ku iri maxaa kaloo ku jira,
  • Waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda
  • Waxan ku iri Maxay tahya waxan maxa looga dan leeyahay
  • Wuxuu yiri: hore ayay u yiraahdeen Qabyo ninkaadaa dhammmeystira
  • Waxaan iri Qabyo sow 2016 ma ahayn?
  • Wuxuu yiri: maya waa 2019
  • Waxaan iri maxay rabaan ma meydiisay?
  • Wuxuu yiri waan weydiiyey: waxay rabaan Guddiga hanti soo celinta in lagu daro oo iyaga maamulaam, dowladda iyo shacabka inay isu soo dhoweeyaan, inay kanaalkii hore loo xiray ay furaan oo beerta loo daayo… inay xoojiyaan hufnaanta dhaqaalaha iyo inay sharafka umadda Soomaaliyeed soo celiyaan

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON