Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo la sheegay inay uga bilaabatay booqasho rasmi ah, kadib martiqaad ay u fidisay dowladda Qatar.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cirro uu casuusmaad rasmi ah ka helay Qatar, isla markaana diyaarad gaara loo soo diray, taasoo ka qaaday garoonka magaalada Hargeysa.
Dowladda Qatar ayaa la sheegay inay gacanta lasoo gashay xaalada Soomaaliya, siiba arrinta Somaliland oo ay dooneyso inay dhexdhexaadiso dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland, kaalintaas oo hore Turkigu ugu jiray.
Madaxtooda Somalialnd ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu la kulmo doono hadli doono madaxda dalka Qatar, ayna ka wadahadli doonaan iskaashiga ka dhexeeya, si loo sii xoojiyo la’iskuna dhaafsado fursado muhiim ah.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne ka socda Somaliland uu tago dalka Qatar, wuxuuna socdaalkan imaanayaa, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay hoggaanka Somaliland inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka & Somaliland, isagoo ka codsay C/raxmaan Cirro iyo xukuumaddiisa in ay noqdaan geesiyaal u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa.