Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu maalgelinayo dib u dhiska Wadooyinka Gobollada dalka oo qeyb ahaan Midowga Yurub ay ku bixineyso lacag dhan 42 milyan oo Euro.
Munaasabada lagu saxiixay heshiiska ayaa ka dhacay Muqdisho, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana heshiiska wada saxiixay Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez.
Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, loo guna dayac tirayaa 355 kilo mitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Wasiirka Qorheyna ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay bogaadineyso taageerada gaareysa 42 Milyan Euro ee dib u dhiska waddooyinka, iyadoo uu hore 100-kii Milyan ee Euro Midowga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruucan dhismaha wadooyinka ayaa gaaraya 59.75 Mliyan Euro. Waxaana 42 Milyan oo ka mida bixinaya Midowga Yurub, halka 12.31 Milyan oo Euro uu bixinayo Sanduuqa Horumarinta Afrika, waxaa kaloo 3.5 Milyan ku biiriyey Dowladda Soomaaliya, iyo 1.94 Milyan oo ay bixineyso NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.




