Monday, July 14, 2025

Dowladda Somalia oo 24 Saac kadib War yaab leh kasoo saartay Hoobiyeyaashii dadka ku laayey Muqdisho [Akhriso]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 24 saacadoo kadib War kasoo saartay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee shalay 1-da Luulyo 2018ka dhacay degmada Wadajir, kaasoo ay ku dhinteen 5 qof, 10 kalena ku dhawacmeen.

Warkan oo si aan hore loo arag loogu baahiyey Warbaahinta dowladda ayaa lagu cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, iyadoo dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh dirtaya Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka.

Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkaan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya, maalin ay farxad iyo damaashaad u ku jiro Qarankeenna iyo dadka intaba.

Ka sokow in 24 saac ay ku qaadatay dowladda iyo hay’adaheeda amniga ayaa haddan warka la faafiyey aan lagu xusin cidda warka soo saartay iyadoo la adeegsaday magaca weyn ee dowladda oo hore loogu adeegsan jiray marka laga hadlayo qaraxyadao iyo falalka ka dhaca dalalka dibadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON