Thursday, July 17, 2025

Dowladda Somalia oo AMISOM kala wareegtay Garoonka Muqdisho Stadium & Farmajo oo booqday [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tegay Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho oo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya, kadib sanado uu saldhig u ahaa ciidamada AMISOM.

Waxaa la sheegay y in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan oo burbur weyn ka muuqdo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay haatan joogto marxalad ay higsanayso dib u dhiska kaabeyaasha nolosha iyo soo celinta kaalintii muhiimka ahayd ee ay ku lahayd Qaaradda Afrika.

“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Saraakiisha Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha qorsheyaasha ay kaga baxayaan garoonkan, iyagoona tilmaamay in ay haatan ka qalab urursadeen, kuna wareejinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalka Afrika ee u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, iyagoona garab ku siiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, gaar ahaan qaybihii lagu ciyaari jiray kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybihii nasashada ee Garoonka.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, outdoor

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: sky, outdoor and natureImage may contain: 3 people, outdoor and closeup

Image may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoorImage may contain: 3 people, outdoorImage may contain: grass and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 7 people, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, crowd and outdoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON