Dowladda Somalia ayaa mar kale maanta ciidamo cusub u daad gureysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii diyaarad ka qaaday Muqdisho ay galabta ka degtay magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan cusub ee maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska gaarka ah oo in ka badan 100 ka mida hore loo geeyay magaaladaasi, waxaana hadda magaalada ku sugan ciidamo ka badan 300 askari oo isugu jira Booliska gaarka ah ee dowladda Somalia iyo ciidamada Milateriga kumaandooska uu Turkigu tababaray.
Waxaa kaloo magaalada Dhuusamareeb kusii jeeda ciidamo ka tirsan AMISOM oo kasoo jeeda dalka Jabuuti oo ay wehlin doonaan ciidamada Itoobiya iyagoo ka baxaya fariisimo ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Hore waxay dowladda Somalia magaalada Dhuusamareeb u geysay ciidamo kumaandoos ah iyo Gaadiidka aanay rasaastu karin, iyadoo markaas la sheegay inuu halkaasi tegi doono madaxweynaha ama ra’iisal wasaaraha.