Dowladda Somalia oo Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Hay’adda Caalami ah oo ka tirsan Q/Midoobay (Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulimaadka Rayidjka ee loo yaqaan International Civil Aviation Organisation (ICAO).

Dacwadan ayaa ka danbeysan kadib markii diyaarad ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay si sharci darro ah oo khilaafsan fasaxa dowladda Somalia uga degtay magaalada Kismaayo, iyadoo siday siyaasiyiin ka timid Nairobi oo taageeraya madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland oo dowladda Somalia aanay aqoonsaneyn.

Ad

Cabashada dowladda Somalia ayaa la gaarsiiyay Hay’adda ICAO, iyadoo dowladda Kenya lagu eedeeyay inay xadgudub ku sameysay hawada Somalia, 5-tii Oktoobar., kadib markii diyaarad baal martay amarradeeda ay ka degtay magaalada Kismaayo.

Diyaaradda sbtidii ka degtay Kismaayo ayaa nooceedu ahaa Fokker 50, 5Y-JXJ, waxayna ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya, iyadoo ku duuleysay magaca Sharikadda diyaaradaha Juba Airways oo iyaduna aanay la socon, waxayna shirkadda Jubba dacwad kale ka furtay magaalada Nairobi.

Waa dacwad kale oo Soomaaliya ay ku heysato Kenya xadgudub qaranimadeeda, iyadoo hore ay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ ka socotay dacwadda xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,388FansLike
1,304FollowersFollow
3,464FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!