Ra’iisul wasaaraha xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlay dhaqaalaha dalka, iyadoo ay ka soo ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socotau dowladda Soomaaliya iyo Wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.
Qodobka ugu weyn ee kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardar gelinta sameynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga oo dowladdu dooneyso inay soo daabacdo, iyadoo dhaqaalaha lagu daabacayo lacagtaasi uu dhan yahay 41 milyan Doolar, dhaqaalahaas oo aysan heynin dowladda Soomaaliya ayna dooneyso in laga saacido.
“Waxaa nagul xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun waa in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.
Khubaro badan ayaa ka digay in xilligan lacag cusub ay soo daabacdo dowladda Soomaaliya, taasoo keeni karta sal dhigasho la’aan sarifka Shilin Soomaaliya iyo sicir barar, mase muuqato inay dowladd tixgelin siineyso khataraha ku xeeran sameynta lacag cusub.