Tuesday, July 1, 2025

Dowladda Somalia oo Golaha Ammaanka Q/Midoobay ka diiday inay farageliyaan Doorashada Somalia

Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ay mowqifkeeda Doorashada ku caddeysay u dirtay Guddoomiyaha Golaha Amniga ee Q/Midoobay Danjiraha Vietnam Dang Dinh, iyadoo ku sheegtay in Doorashadeeda oo la farageliyo ay tahay arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la farageliyay.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa jawaab u ahaa war kasoo yeeray Wakiilka dowladda Mareykanka ee Q/Midoobay Linda Thomas-Greenfield, waxaana lagu tilmaamay Doorashada inay ahay arrimaha gudaha dal kasta oo aan la aqbali karin in la farageliyo.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa faragalin kasta oo lagu hayo geedi socodka Doorashooyinka qaranka ee ka imanaya dhinaca dibadda inay tahay faragalin toos ah oo lagu hayo arrimaheena gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada Arimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kaloo Qoraalku lagu sheegay in Heshiiskii 17 September iyo Heshiiskii Baydhabo ay u aragto asaaska doorashada, ayna dooneyso in shuruud la’aan loo aado doorshada.

Qoraalka ayaa dhinaca kale sheegay in dowladdu xaqiijinayso in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona Arrimaha Aamniga.

Laba qodob ee Qoraalka ka muuqada ayaa kala ah:

1. In Doorashada waddanka ee Soomaaliya , ay sida wadamada kale ee madaxbanaan ay arin khusaysa wadanka , waxaa ka arinsanaya go’aankeedana qaadanayaana waa hay’adaha wadanka sida ku cad xeerka NO. 30 ee baarlamaanka la mariyay, sidaas awgeed waxaan qadarin u haynaa taageerada hagar laa’aanta aan laba-labeynta laheyn ee UN-ka u hayso madax-banaanida Soomaaliya , midnimada dhulkeeda iyo madax-banaanida siyaasaddeeda.

2. Dowladda federaalka waxay u arkaysaa faragelin kasto oo lagu sameeyo hanaanka doorashada wadanka ayna ku samaeeyaan quwada ajnabiya inuu yahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arimaheena gudaha taasoo jabin ku ah go’aamada golaha amniga shuruucada caalamiga iyo axdi Qarameedka QM ee aduunka.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON