Monday, June 23, 2025

Dowladda Somalia oo Jabuuti ku taageereysa Qorshe ka dhan ah Kenya [Ololaha Kursiga Golaha Ammaanka ee..]

Dowladda Somalia ayaa ku taageereysa Jabuuti sidii ay guuleysan lahayd kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo dalalka Afrika ee u tartamaya ay ka mid tahay Kenya, sida ay isla garteen madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta wadahadal la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya, Geeska Afrika iyo xiriirka labadal, waxayna isla soo qaadeen taageerada ololaha ay Jabuuti ugu jirto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo ay kula loolamayaan dalal kale oo Kenya ugu horeyso.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiirka ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.”

Ad

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada.

“Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON