Dowladda Somalia ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay dalabka Kenya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ, kadib markii galabta uu qoraal kasoo baxay dowladda Somalia gaarsiiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Magaalad Hague.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in markii dalabka Kenya lagu soo wargeliyey dowladda Somalia ay arrintan go’aan ka qaateen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, kadibna lagu wargeliyey Qareenada Soomaaliya u doodaya, iyadoo galabta uu safiirku Maxkamadda ICJ gaarsiiyey go’aanka Dowladda Somalia ee ah in Dacwadda Badda ay sideeda ku socoto aan waxba dib loo dhigin.
Isagoo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayuu intaas ku daray in Kenya aysan cudur-daar u heli karin in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda Kiiska Dacwadda Badda, iyadoo toddobaad ka yar ay ka harsan tahay oo lagu wado inuu bilwodo 9la Sebtember, ayna socon doonto ilaa 13-ka bisha.
Soomaaliya ayaa jawaabteeda ku sheegtay in tallaabada Kenya qaadday ay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraad. Kenya ayaa shalay ka codsatay maxkamadda ICJ in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo dhagaysiga si ay u qabsato qareenno cusub oo difaaca.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA