Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somalia oo ka hor timid Codsigii Kenya ku dalbatay in Hal Sano Dib loo dhigo Dacwadda Badda

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah uga dalbatay Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeya Soomaaliya, kaasoo la qorsheeyey in la dhageysto Isniinta soo sococta ee 9-ka Septembar.

Kenya ayaa qoraal ay u gudbisay Maxkamadda ICJ ku sheegtay in la siiyo waqti ay ku qoroto qareeno cusub, iyadoo dooneyso muddo hal sano ah, Waxaana codsigaasi ka hor yimid dowladda Somalia oo Maxkamadda gaarsiiyey inaysan ogoleyn dib u dhigista dacwadda ayna ku socoto sida loo qorsheeyay.

Maxkamadda ICJ ayaa laga sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto codsiga Kenya iyo diidmada Somalia, iyadoo Kenya ay olole weyn ugu jirto sidii ay u carqaladeyn lahayd dacwadda Xuduudka Badda ee ay sheegatay, iyadoo qaaday tallaabooyin dhowr ah ay ka mid tahay inay dacwadda geysay Midowga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON