Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday Ciidamo AMISOM oo la geynayo Dhuusamareeb & Taliyaha AMISOM oo gaaray..

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo ka tirsan AMISOM si degdeg loo geynayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo Ahlu suna ay ka talin jirtay.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu maanta magaalada Dhuusamareeb tegay Taliyaha Guud ee Ciidamada Amisom Tigabu Yima, iyadoo ay la socdaan saraakiisha AMISOM, iyadoo wadahadal halkaasi kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb xubno uu horkacayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Wasiir Amniga ayaa sheegay in AMISOM ay ka qeyb qaadaneyso dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka Galmudug, ayna doonayaan inay goobjoog ka noqdaan ciidamada AMISOM doorashada ka dhici doono Galmudug iyo shirka halkaasi ka furmi doono shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Hoggaamiyaha Ahlu suna ayaa hore uga digay in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Dhuusamareeb, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta waantaantii laga dhex maray Macalin Maxamuud iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON