Friday, July 4, 2025

Dowladda Somalia oo la wareegtay Ciidamadii & maamulka 3 Degmo oo ka tirsan Gedo & Itoobiyaanka oo gacan…

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay ciidamadii maamulka Jubbalad ee ku sugnaa saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo maamulka degmooyinkaasi.

Qorshaha ciidamadan ay ula wareegtay dowladda Somalia waxaa qeyb ka ahaa ciidamada Itoobiya oo gacan ka siiyey dowladda Federalka, iyadoo tirada ciidamada Jubbaland ee dowladda ku biiray lagu sheegay inay ku dhowdahay 150 askari, waxaana sidoo kale la sheegay inay guddoomiyeyaasha degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow.

Guddoomiyayaasha saddexda degmo oo uu magacaabay maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu qanciyey inay si toos ah u hoos tagaan Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, waxayna hore u taabacsanaayeen wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland oo hadda u xiran dowladda Federaalka.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dagaalka ay dowladda Federaalka kula jirto maamulka Axmed Madoobe, taasoo ka dhalatay doorashadii muranka dhalisay, iyadoo dowladda Federaalka ay hadda la wareegtay Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON