Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkii caalamiga ahaa iskaashiga Soomaaliya ‘Somalia Partnership Forum” , kaasoo maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho.
Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, isagoo socon doona 1-2-da Oktoobar, waxaana War-saxaafadeedka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay soo dhaweyneyso shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo hore loogu qaban jiray dalalka reer Yurub, waxaana shirkan ka qeyb galayaan wakiillo ka socda in ka badan 50 dowladood.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda, Iyo Cadaaladda, waxaana sidoo kale lagu casuumay maamul Goboleedyada dalka, marka laga reebo Jubbaland oo wasiir uu meteleyo.
Waxaaa furitaanka shirka ee maanta ka hadli doona Raiisal wasaare ku xigeenka Mahdi Mahad Guuleed, Safiirka Mareykanka ee Somalia James Swaniyo Wakiilka Midowga Afrika Fransisco Madeira iyo xubno kale.


WR-SAXAAFADEEDKA AYAA U QORNAA SIDAN:
