Monday, June 23, 2025

Dowladda Somalia oo si kumeelgaara u fasaxday Duulimaadyada Caalamiga ah (Akhriso sababta)

Dowladda Soomaaliya ayaa si kumeelgaar ah u fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee dalka yimaada, kadib maalmood uun kadib markii ay muddo 15 maalmood ah joojisay duulimaadyadaasi.

Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in muddo laba maalmood ah la fasaxay duulimaayada caalamiga ah si loo soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoommada diyaaradaha caalamka.

Wasiir Oomaar oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku daray in labada maalmood kadib ay sii socon doonto xayiraadda la saaray diyaaradaha caalamiga ah ee dalka imaanaya, si looga hortago faafidda cudurka COVID-19.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in Gaadiid dad sida aanu soo geli karin xuduudaha dalka, oo kaliya la ogol yahay gaadidka xamuulka sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON