Dowladda Soomaaliya ayaa War Cad kasoo saartay ninka lagu magacaabo Cwaahid C/ Khaliif Cabdi (Ciise Tarabuun) oo Booliska dowladda Kenya uu xalay shaaciyey inuu soo galay dalka Kenya, isla markaana uu ku raad joogo.
Ciise Tarabuun ayaa la ogaa inay qabteen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Nabadsugidda, iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa madaxii Amniyaadka Alshabaab, kadibna aan wax War ah laga maqlin. laakiin qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhammeystay xabsi lagu xukumay.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa qoraalka xukuumadda ku sheegay in eedeyntii argagixisenimo ee Ciise Tarabuun ay dacwadiisa qaaday Maxkamadda ciidamada qalaka sida, kadibna lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah oo uu dhammeystay, haddana uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo maray xukun ciqaabeed ay Maxkamad milateri ku xukuntay.
