Thursday, July 31, 2025

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay falkii ciidamada Kenya ku burburiyeen xarun ay leedahay Shirkadda Hormud

Dowlada Somalia ay war ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii ciidamada Kenya Jimcihii ku qaadeen xarun ay leedahay shirkadd Isgaarsiin ee Hormuud, kaasoo lagu burburiyey xaruntii shirkadda ee degaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo.

-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaaa si kulul u cambaareesay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degaanka Caws-qurun, wuxuuna sheegay in weerarkan uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Caws-qurun taas oo saameysay ganacsiga iyo nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee Gobolka Gedo.

“Waxa aan ku adkaynaynaa AMISOM in ay kala qeyb qaadato dowladda Soomaaliya baaritaanka weerarradan soo noqnoqdey oo aan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostadu waxa ay hore ugu gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkeena gal dhammeystiran oo lagu ururiyay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerraradaas loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON