Madaxweyne Xaaf oo xilkii ka qaaday Wasiir uu Adeer u yahay Macalin Maxamud oo ka hor yimid Qorshaha Dowladda.

Madaxweynaha Xilka sii haya ee Galmudug ayaa soo saaray wareegto uu xilka uga qaaday Wasiir ka tirsan Xukuumadda Galmudug oo ka hor yimid Qorshaha xukuumadda Soomaaliya iyo shirka dib u heshiisiinta ee Galmudug.

Wasiirkan ayaa ka mid ahaa Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug, wuxuuna dhowaan sheegay inuu kala jabay Guddigii dib u heshiisiinta Galmudug, isla markaana wuxuu hormuud ka noqday ololaha uu wado hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud ee ah inuu fashiliyo qorshaha dowladda Somalia ee Galmudug, kana socda magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Xaaf ayaan wax war ah laha maqlin tan iyo intii uu awoodihiisa ku wareejiyey Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia, waxaana dhowr jeer lagu arkay madaxtooyada Soomaaliya. Xubno uu horkacayo Wasiirka xilka laga qaaday ayaa isku dayey inay magaalada Dhuusamareeb shir ugu qabtaan Golaha Wasiirada Galmudug, kana soo saaran go’aamo looga horjeedo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,392FansLike
1,250FollowersFollow
3,415FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!