Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qaraxyadii is daba joogga ahaa ee galabta lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in la toogtay maleeshiyo isku dayday inay gasho hotelka.
Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in maleeshiyaadka ka tirsanaa Al-Shabaab oo qaraxyada kaddib isku dayey inay gudaha u galaan Hotel Saxafi ay toogasho ku dileen ciidamada amniga, waxayna gaarayeen lix maleeshiyo.
Muuqallada maleeshiyada Alshabaab ayaa la soo bandhigay, waxayna hay’adaha amniga baajiyeen in maleeshiyada ay gudaha u galaan Hotelka, inkastoo ay ka hortegi waayeen qaraxyo gaaraya saddex oo Alshabaab ay soo abaabuleen