Thursday, June 26, 2025

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Weerarkii dadka lagu laayey ee Masjidka New Zealand

Dowladda Somalia War cad kasoo saartay, weyna u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada ahaa ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Alnuur iyo  Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand.

Qoraal kasoo baaxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaaliya ayaa looga hadlay weerarka oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, iyadoo fal dambiyeedkan naxdinta leh uu ka qeyb yahay islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON