Dowladda Somalia ayaa si kulul u cambaareysay weerar la sheegay in Xuuthiyiinta Yeman ay ku qaadeen dalka Sacuidiga, iyadoo gantaal ku riday Magaalada Maka ee barakeysan, sida ay sheegtay dowladda Sacuudiga.
War saxaafadeed degdeg ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in si kulu u dhaleeceyneyso gantaal loo genay dhinaca magaalada Maka Almukarama , iyadoo lagu bogaadiyey ciidamada difaaca Cirka Sacuudiga oo ka hortegay soona riday gantaalkasi.
Waxaa xusid mudan in Xuuthiyiinta Yeman ay beeniyeen warka kasoo baxay Sacuudiga ee ku saabsan inay gantaal ku rideen dhinaca magaalada barakeysan ee Maka Almukarama, laakiin dowladaha carabta oo warka Sacuudiga qaatay ayaa jawaabo noocan oo kale bixiyey maalmihii ugu danbeeyay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)
Muqdisho, Soomaaliya
23 May, 2019
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda.
