Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa xilli danbe ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Soomaaliya.
Magaalooyinka laga arkay Bisha Soonfur ayuu sheegay wasiirka inay ka mid yihiin Jowhar, Cadaado, Ceelwaaq iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya.
Inta aan lagu dhawaaqin go’aanka waxaa hambalyada ciidul fitriga soo diray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, arrintaas oo dooda ka dhalisay Baraha bulshada.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyada ciida la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ugu horeeya Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.
