Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Qoraal ay u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Mdioobya ku codsatay in la hakiyo Qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo dhammaadka bishan September la fulayay in dalka looga saro 3000 Askari oo hubeysan.
Qoraal uu diray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa looga codsaday Golaha Amniga Qaramada Midoobay in arrimo farsamo darteed iyo dib u dhac ka dhashay dagaalka Alshabaabm siiba weerrakii Cows-weyne dib loo dhigo bixiraatka askarta 3000 ah ee ATMIS ilaa dhammaadka anadkan 2023.
Dowlada Federaalka ayaa wlei ku adkeysaneysa inuusan waxa isbadal ah ku imaan doonin qorshaha ay Ciidamada ATMIS guud ahaan dalka looga saaryao dhamaadka Sanadka 2024.
Codsiga Dowldda Somaliya ayaa loo diray Golaha Amniga 19-kii bishan xilli 10 maalmood ka harsan in ciidamada ATMIS dalka laga saaro, lamana oga waxa y noqon doonto jawaabta Golaha Amniga Q/Mioobay.