Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo beenisay Warkii ugu weynaa ee toddobaadkan laga baahiyay [Akhriso]

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa been abuur ku sheegtay War uu soo qoray jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soona baxay 21kii July 2017 oo uu sidoo kale faafiyay website-ka africaintelligence.

Maqaalkan oo cinwaan looga dhigay “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” ayay dowlada Soomaaliya sheegtay inuu ahaa mid been abuur ah, kaaas oo sheegayay in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxayna warbixintu sheegtay in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

Dowlada Federaalku ayaa caddeysay in uusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan. Dowlada Federaalku ayaa sidoo kale sheegtay in ay welwel ka qabtaa maqaalkan oo ay sheegtay in ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale dowlada Federaalka ayaa waxay cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.

Akhri: KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Ra’iisal Wasaare Kheyre oo weerar ku qaaday Ganacsatada ugu waaweyn Soomaaliya?

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay fahamsantahay ayna ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxay ka digtay ka digtay faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah loo faafinayo.

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Ra’iisal Wasaare Kheyre oo weerar ku qaaday Ganacsatada ugu waaweyn Soomaaliya?

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON