Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Caawa ku dhawaaqay Go’aano adag oo Culus [DHAGEYSO]

Dowladda Soomaaliay ayaa go’aanadii ugu adkaa ka soo saartay taageerada la siiyo kooxda Alshabaab.

Wasiirka amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay shir saxaafadeed oo caawa ay wadajir ah ugu qabteen isaga iyo taliyeyaasha nabadsugidda iyo Booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo kooxda Al-shabaab.

 Wasiir Ducaale ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.

Dhageyso codka wasiirka.

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urruada argagaxisada sida Al-shabaab soo galaan kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan Al-shabaab.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dhageyso taliyaha NISA C/laahi Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in laamaha amniga ee dalka ay diyaar u yihiin cidii awaamiirtan jabisa in ay sharciga hor geeyaan.

Janaraalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay Al-shabaab ku garab siiyaan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Dhageyso taliyaha booliiska oo arintaas ka hadlaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON