Dowladda Soomaaliya ayaa cusub oo hor leh diyaarado ku daabushay, kana dejisay degmooyinka xuduudka ee Gobolka Gedo.
Cutubyo ka tirsan Guutada 17-aad ee ciidamada Kumaandooska Gorgor ayaa maanta loo duuliyey Degmada Doollow ee Gobolka Gedo, iyagoo ku wajahan degmooyinka xuduudka ee Beledxaawo & Ceelwaaq. Waxaa kaloo halkaasi gaaraya saanad ciidan oo laga qaadayo magaalada Muqdsho.
Garoonka Diyaaradaha diyaaradaha degmada doolow waxaa Ciidamadan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee Degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi & Xubno kale.
Dhaqdhaqaaq milateri ayaa laga dareemayaa degmooyinka Gobolka Gedo ee ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.



