Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa war kasoo saaray xuska sanadguurada saddexaad ee qarixii Soope oo dad ku dhow 600 qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen.
War kasoo baxay UNSOM ayaa lagu sheegay in weerarkii 14 Oktoobar 2017 uu ahaa lama iloobaan, wuxuuna ergeyga gaarka ah ee Q/Midoobay James Swan sheegay inuu murugada la qeybsanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxasi.
“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Bololaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.
