Saturday, July 12, 2025

XOG: Mursal & Lafta-gareen oo isku heysta jago Wasiir iyo khilaaf hareeyay Golaha Wasiirada cusub

Khilaaf ka taagan dhismaha Golaha Wasiirada ayaa hareeyay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la isku heysto xubno cusub oo kusoo biiraya Golaha Wasiirada ee laga sugayo inuu soo dhiso Ra’iisal wasaaraha cusub.

Xilka ugu adag ee la isku heysto ayaa ah Wasiirka Gaashaandhigga, iyadoo uu meesha ka baxayo Wasiir Xasan Amar-danbe, waxaana xilkan mid waliba mas’uul u wata oo doonaya Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen uu xilka Wasiirka Gaashaandhigga u wato Xasan Cabdi Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, halka Guddoomiye Maxamed Mursal uu isna doonayo in xilkaasi loo magacaabo la-taliyihiisa gaarka ah C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka NISA.

Arrintan ayaa dib u soo celisay xiisadii siyaasadeed iyo loolankii awoodda ee ka dhaxeeyay Madaxweynaha K/Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo muddooyinkii danbe xal loo raadineyay, waxaana arrintan soo dhex galay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo is-dabajoog ah la yeeshay Guddoomiye Mursal si ay ugu qanciyaan inuu tanaasulo.

Xilliga magacaabista Golaha Wasiirada cusub ayaa sii dhammaanaya iyadoo muddo bil ah oo uu heystay Ra’iisal wasaare Rooble ay hadda ka harsan tahay 8 maalmood oo kaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON