Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay tallaabadii ugu horeysay ee lagu diiwaan gelinayo xarumaha diinta ee gudaha dalka.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu faray inay is diiwaangeliyaan maamullada masaajidda, Xarumaha diinta lagu barto iyo Dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla magaaladda Muqdisho iyo dhammaan gobolada dalka Soomaaliya.
Tallaabadan ayaan la ogeyn ujeedka ka danbeeya iyadoo dugsiyada Qur’aanka aan wax diiwaangelin ah loo sameyn jiray, iyagoo aan lahayn dhul u gaara iyo dhismooyin loogu talogalay.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEED