Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Eedeyn kulul u jeedisay Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM & Mr. Keating [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo madaxdiisa oo ay ku eedeysay inay faraha ku jiraan howlo ka baxsan shaqadooda, isla markaana aysan daacad u ahayn shaqada loo igmaday.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Q/Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo Golaha Amaanka ka jeediyey khudbad Q/Midoobay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay Warbixino aan sax ahayn madaxda xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ay ka gudbiyaan Soomaaliya marka ay ka hadlayaan fagaaarayaasha Caalamiga ah ee looga Doodo arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

“Waxaan ka walaaacsanahay Saraaakiisha Sare ee UNSOM  oo warbixinno khaldan sheega inta ay Socdaan Shirarka Arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ku saabsan” ayuu Danjire Abuukar Daahir Cusmaan ku sheegay khudbaddii uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee Q/Midoobau ku soo daray eedeyn ku socota UNSOM.

Wuxuu soo jeediyay in hoggaanka UNSOM uu ekaato fulinta waajibaaadkiisa loo igmaday, ee aanay faraha la helin xaaladda xiisadaha iyaasadeed ee Soomaaliya, kuwaasoo dhaawici kara xasiloonidda Siyaasadeed ee Soomaaliya sida uu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Hadalkan ayaa si toos ah ugu socda wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya oo dhowaan ka hadlay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu noqday mooshin burburay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON