Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Amarkii Al-shabab ku soo rogtay Garoomada Ciyaaraha Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay wararka sheegaya in Alshabab ay qaar ka mida degmooyinka Muqdisho mamnuuceen ciyaarta kubadda Cagta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inaysan horumarinta isboortiga u joojin doonin hadalka Al-shabab iyo amarrada ay ku soo rogayaan goobaha lagu ciyaaro, isla markaana aanay waxba ka qaadi karin dadka Muqddsho.

Milkiilayaasha Garoomada sallaxa ah ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa Alshabab ay ku amreen  in la joojiyo ciyaaraha kubadda Cagta. Wasiirka Dhalinyarrada iyo isbootiga Khadiijo Maxame Diiriye ayaa sheegay in Alshabaab aysan awood u lahayn inay amarro ka fuliso Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON