Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ka baxday, isla markaana burrisay heshiisyo ay kula jirtay ku dhowaad 20 shirkadood oo bixin jiray adeegyada dowladda.
Qoraal ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay dhaqangalka dhammaan heshiisyadaasi, waxaana lagu amray waaxda canshuuraha wasaaradda Maaliyadda inay la wareegto.
Shirkadaha dowladda heshiiska kula jiro waxay bixin jireen adeegyada dowladda, waxayna kala ahaayeen sida hoos ku qoran:
1 .Shirkadda Viisooyinka Dowladda
2. Shirkadda Passaporka
3. Shirkadda Leysinada iyo Taargooyinka
4. Shirkadda Tresmitralaha -Canshuurta wado marista-
5. Shirkadda Gaadiidka Airporka
6. Shirkadda Sameysa shahaadooyinka dowladda
7. Shirkada Nootaayooyinka/Superlogoyinka
8. Shirkadda Quality Control-ka
9. Shirkadda PGM ee dekadda
11. Shirkadda Scan-ka Dekadda
12. Shirkadda Shatiyada kala duwan
13- Shirkadda Sameysa Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga
14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha
15- Shirkada shidalka sisa ciidanka
16- Shirkada Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka
17- Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir
18- Shirkada Raashinka iyo Cuntada siisa Madaxtooyada
Xukuumadda Soomaaliya oo ka baxday dhammaan heshiisyadii Shirkadaha gaarka ah [Wareegto Culus]