Wednesday, June 25, 2025

Dowladda Soomaaliya oo laba Garab ugu kala jabtay Xaaladda Galmudug [War-saxaafadeedyo iska horjeeda]

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya taageertay xil ka qaadista ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ku sameeyeen madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

War-saxaafadeed ka soo baxay wasiiru dowlaha  Arrimaha gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa lagu soo dhoweeyay xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf, waxaana lagu cambaareeyay tallaabada lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lagu baaqay in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo.

Warkaas hore ayaa ku baaqay in la ixtiraamo go’aankii Baarlamaanka Galmudug uu gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26 September, loona hoggaansamo sareynta sharciga. Waxaana warkan lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

AKHRISO QORAALKA HORE

Dhinaca waxaa soo baxay War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay  Wasiirka Arrimaha Gudaha  Cabdi Faarax Juxa, kaasoo lagu beeniyay Qoraalka laga faafiyay Wasaaradda ee ku saabsan in xilka laga qaaday Madaxweyne Xaaf, wuxuuna wasiirka caddeeyay in dowladda federaalka ay cambaareyneyso koox yar oo oo isku dayday inay xilka ka qaado Madaxweyne Xaaf.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in wasaaradda ay wafdi u diri doono magaalada Cadaado si xal loogu helo arrintan ka taagan Maamulka Galmduug, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraalka la faafiyay wasaaradda ee hore.

AKHRISO QORAALKA LABAAD

Qoraalka labaada ayaanay jirin cid xaqiijisay, waxaana warar ku dhowdhow wasiirka oo ku sugan Magaalada Nairobi ay sheegayaan inay ahay mid aan kasoo bixin wasiirka.

Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa hore isugu qabsaday xil ka qaadis wasiirku ku sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda, inkastoo markii hore la xaliyay. Wasiir Juxa ayaa ka mida wasiiro aan la dhacsaneyn siyaasadda Ra’iisal wasaare Kheyre, iyadoo dhowr jeer iskula dhacay shirarka golaha wasiirada.

Wasiir Juxa ayaa laga sugayaa inuu kala caddeeyo sax ahaanshaha qoraalka oo shaki badan ku jiro, waxaana la filayaa inuu war kasoo saaro arrintan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON