Thursday, June 26, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Qarka u saaran Miisaaniyad la’aan & Ra’iisal wasaaraha oo amar cusub soo saaray

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xayiray kharashaadka laga bixiyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Amarka Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dambeeyay kadib markii uu dhammaaday amar hore oo madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo ku soo rogay Bankiga Dhexe, kaasoo lagu joojiyay in Bankiga Dhexe laga saaro wax lacag ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhowaan  la kulmay Wasiirka Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta wasaaraddaasi, isagoo kala hadlay xaalada dhaqaale ee dalka, waxaana xusid mudan in miisaaniyadda lagu shaqeeyo ay ku eg tahay bishan oo maalmo kooban kadib ay dowladdu noqon doonto inaysan wax kharash ah bixin karin haddii aanay miisaaniyad kale diyaarin.

Khaladaad weyn ayaa ka taagan xisaab xirkii Miisaaniyadda dowladda ee sanadaha 2015 iyo 2016, waxaana maqan lacag ka badan 110 Milyan oo Doolar sida uu sheegay hanti dhowrka guud, taasoo xaalada ka dhigtay mid cakiran.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka hortegay Miisaaniyad sanadeed ay si degdeg diyaariyeen Golaha  wasiirada waqtigoodu dhammaaday oo ku saabsan sanadkan 2017, kadib markii la sheegay in waxyaabo badan ku qarsoon yihiin, waxaana la joojiyay in miisaaniyadaasi la geeyo Baarlamaanka.

Iyadoo golaha wasiirada lagu wado inay qaataaan waqti kale ayaa diyaarinta miisaaniyad cusub oo dowladda cusub ay diyaariso u baahan tahay waqti dheeraad ah, waxaana laga cabsi qabaa in waqtigu ku dhaco.

Dowladda Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqday inay dowladda Soomaaliya ku wareejisay 6 Milyan oo Doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda. Waxaa sidoo kale Sacuudiga laga filayaa malaayiin doolar oo ay u balanqaadeen dowladda cusub ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON