Dowlada Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay xil ka qaadistii Baarlamaanka Hirshabeelle ku sameeyay madaxweynihii maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu ku saxiixnaa wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa lagu caddeeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay xaalada Hirshabeelle.
Baarlamaanka Hirshabelle ayaa loogu baaqay inuu muddo 30 maalmood ah kusoo doorto madaxweyne cusub oo maamulkaasi yeesho.
Go’aankan ayaa ka danbeeyay kulan aan caadi ahayn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda Hirshabeelle.
AKHRISO WAREEGTO
Goobjooge