Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar duqeyn ah oo maanta lagu qaaday xero Alshabaab ku lahaayeen Gobolka Bay.
Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay duqeyn la beegsadeen xero tababar oo ay lahaayeen ururka Alshabaab degaanka lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.
Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi lagu dilay ku dhowaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraal soo dhigay bartiisa facebook.