Friday, June 27, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Xabsi dhigtay ciidamadii toogtay taliye ka tirsanaa NISA

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay ciidamadii ku lugta lahaa rasaas lagu furay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan NISA.

Ciidamada la xiray ayaa baaritaan ku socdaa sida uu sheegay taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyadoo goobtii ay ilaalada ka hayeen la geeyay ciidamo cusub oo lagu bedelay.

Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Isloow Ducale ayaa sheegay in Ciidamada xasilinta amniga howlgalladii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho aanay  waxba iska bedeli doonin.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan ciidamdii ku lugta lahaa dagaaladii ka dhacay shalay muqdisho xabsiga loo taxaabay islamarkaana uu ku socdo baaritaan hadii ay wax ku cadaadaana tallaabo laga qaadi doono.

Iska hor imaadkii dhex maray ciidamada ilaalada madaxtooyada ee fadhigoodu ahaa agagaarka Tiyaatarka iyo gaari uu la socday taliye hore oo ka tirsan NISA ayaa lagu dilay Ciise Xasan Carraale (Jiijiile) iyo saddex askari oo ilaalo u ahayd.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON