Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa safiiiada iyo xubnaha wasaaradda ee ka howlgala diblomaasiyadda Soomaaliya amar ku siisay inay saxaafadda la hadli karin.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kaasoo uu ku saxiixnaa xoghayaha Wasaaradda Cali Maxamed Cali ayaa lagu amray in danjireyayaasha aanay la hadli karin Warbaahinta iyagoo aan ogolaansho ka heysan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Qoraalka ayaa la mida mid hore uga soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo lagu amray inaysan wasiiru ka hadli karin arrimaha siyaasadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalado ka dhashay isku xir la’aan iyo kala hadal keenay inay arrimo xasaasi ah siyaabo kala duwan uga hadlaan, waxaana xaaladda uga sii daray sida dowladda u wajahday kiisaskii ugu danbeeyay ee Bariire iyo Qalbidhagax.
AKHRI QORAALKA