Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Turkiga oo Gawaarida Gaashaaman ee aanay Qaraxyadu karin ugu deeqday Xoogga Dalka (Sawirro)

Dowladda Turkiga ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu deeqday Gadiidka Gaashaaman ee casriga ah, nooca iska caabiya Qaraxyada.

Munaasabad ka dhacday Dekadda Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen Safiirka dowladda Turkiga, Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliska ciidamada Xoogga Dalka ayaa Gawaaridaasi lagu wareejiyey ciidamada Milateriga.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo munaasabadda Ciidamada Soomaaliya lagu wareejinayo 8 Gawaarida gaashaaman ee Qaraxyada iska caabiya nooca loo yaqaan “Kirpi” iyo 14 Gaari oo nooca xamuulka ah.

Gaadiidkan gaashaaman ee loo yaqaan BMC Kirpi (Hedgehog) ayaa loogu talogalay inay ku howlgalaan ciidamada kumaandooska ee Gorgor ee Turkigu tababaray, waana Gaari ay farsameysatay dowladda Turkiga oo ah Gaari ciidamada saaran ka ilaalinaya miinooyinka iyo Qaraxyada, waxaana loo isticmaalaa howlgallada culus.

Gaarigan BMC Kirpi wuxuu markiiba qaadi karaa 13 Askari (Darawal, taliye, qoriga oo u jeedda xagga hore), waxaana loo sameeyay inuu ka hortago, iskana caabiyo miinooyinka goobaah dagaalada iyo qaraxyada gaadiidka lagu waxyeelleeyo.

May be an image of 2 people and military uniform
May be an image of outdoors
May be an image of 1 person, standing, military uniform and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, military uniform and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON