Monday, June 23, 2025

Dowladda Turkiga oo Jawaab Cad ka bixisay eedeyn ku saabsan Ciidamada Haramcad iyo Gorgor

Dowladda Turkiga ayaa caddeysay inaysan mas’uul ka ahayn falalka lagu eedeeyay ciidamada ay u tababartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, tasoo jawaab u ahayd kadib cabasho ay u diren siyaasiyiinta mucaaradka.

Ciidamadan Turkigu tababarray ee Haramcad iyo Gorgor ayaa lagu eedeeyay inuu Madaxweynaha xilka ka dhammaadya ee Maxamed Farmaajo u adeegsaday inuu ku maquuniyo mucaaradka oo khilaaf Doorashada kala dhexeeyay, iksuna dayey inuu xilka kusii joogo si awood ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa qoraal ay u dirtay saxaafadda caalamiga ah, gaar ahaan Laanta Turkiga ee BBC-da ku shaacisay inay jiraan dad magac xumeyn ku sameynaya dedaallada ay Dowladda Turkiga ku taageerayso Soomaaliya.

Ad

“Waxaan ka war haynaa dad wada olole lagu wiiqayo sumcadda Turkiga ee gudaha Soomaaliya, waxaana la og yahay in dadkaas ay doonayaan in dalal kale ay ku lug yeeshaan doodaha siyaasadda ee gudaha, balse isku-daygooda ayaa ah mid guul-daraysanaya,” ayaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada uu Turkiga tababaro ay hoos tagaan Ciidanka Xoogga Qaranka ee Soomaaliya ayna mas’uul ka tahay dowladda Federaalka oo ay tahay in iyada lagula xisaabtamo falalka ay geystaan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu kaalin hormuud ah ka qaatay dedaallada caalamiga ah ee lagu dhisayo “ciidamo nidaamsan, anshax leh, isla markaana mideysan oo ay leedahay Soomaaliya”.

- Advertisement -

Turkiga ayaa beeniyay in saldhigga ciidan uu ku leeyahay gudaha Soomaaliya ama ay ciidan ka joogaan dalka, isagoo tilmaamay in xerada TURKSOM ay tahay mid tababar oo lagu carbiyo milateriga Soomaaliya.

“Iskaashiga dhanka ammaanka ah ayaa kamid ay taageerada dhinacyada badan leh ee aan u fidino Soomaaliya. Gargaarka bani’aadannimo iyo kan horumarinta ee aan illaa hadda Soomaaliya siinay waxa uu ka badan yahay 1 bilyan oo dollar. Turkiga waa uu sii wadi doonaa dedaalladiisa Soomaaliya si dalkaas uu u helo nabad waarta iyo xasillooni” ayaa lagu yiri qoralka Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON