Thursday, June 26, 2025

Dowladda Turkiga oo wafdi heer sare ah u soo dirtay dalalka Soomaaliya iyo Suudaan

Ra’iisul-wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa booqasho  ku imaan doona Soomaaliya, socdaal uu ku marayo  Afrika.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga,Mr. Çavuşoğlu ayaa booqan doona dalalka Somalia iyo Suudaan, isagoo booqan doono magaalada Khartuum kula kulmi doona dhigiisa dalkaasi Bakri Hassan Saleh.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa tegaya magaalada Muqdisho, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre.

Mr. Hakan Cawuşoglu ayaa madaxda Soomaaliya kala hadli doona Arrimaha mashaariicda ee Dowladda Turkiga ka wado Soomaaliya iyo iskaashi laga sameeyo sidii loo sii laba jibaari lahaa.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa noqday dalal saaxiibo la ah Turkiga oo isbaheysi milateri ay la yeesheen, waxaana si joogto ah dalalkaasi u booqda madaxda Turkiga oo olole kula jira Imaaraadka Carabta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON