Duqa London oo ka qeyb galay Tacsi & Baroordiiq loo sameeyay Marxuum Yariisow. (Sawirro)

Duqa magaalada London Sidiiq Khan ayaa ka qeyb galay xaflad baroordiiq ah oo magaalada London loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Duqa London ayaa la kulmay qoyska Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo uu hormuud u yahay wiilka uu dhalay ee Maxamed C/raxmaan Yariisow, wuxuuna Sadiiq Khan tacsi u diray dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Injineerka, isagoo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee nool magaalada London.

“Waxay ahayd arrin wanaagsan inaan ku biiro dad isaga yimid magaalada London oo xusaya kaalinta jaaliyadda Soomaalida iyo tacsida Duqii magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cusman oo muddo ku noolaa magaaladeena, wuxuu dhiirigeliyey dad badan, wuxuuna muddo sanado ah dagaal kula jiray fekerka argagixisada Alshabaab…” ayuu yiri duqa London.

Ad

Eng. Yariisow ayaa magaalada London ku noolaa muddo dheer, isagoo ka ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester.

Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008, isagoo mar ka mid noqday Guddiga qaabilsan Guryeynta xaafadda Galbeedka London.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,908FansLike
1,135FollowersFollow
3,317FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!